Menu
Cart 0

How To Be Saved (Somali)

Special-Order Folded Tract

  • $ 3300

PrintMyTract.com logoNOTE: This item is custom-printed to order (click for more details).

Printing Time
Tract Quantity
Add Your Custom Imprint—FREE! (click for more details)

 


  • Estimated shipping date: Monday, August 4 (Click for more details)
  • SKU:
  • Discounts: Discount coupons do not apply to this item
  • Format: Folded Tract
  • Size: 3.5 inches x 5.5 inches
  • Pages: 4
  • Imprinting: Available with 1 line of custom text
  • Returns: Because this item is custom-printed to order, it cannot be returned.

Show all item details


The full text of this tract is shown below. (Do you want to print this tract in a different version than the one listed? Contact us and let us know what you're looking for—we may be able to create the alternate version for you at no charge.)

Sida loo badbaado

Waxa ay ka dhigan tahay in la badbaadsho

Bal qiyaas dabaal yahanad kudabaalaneysa biyaha meesha uguqotoda dheer oo harqanaysa. Waxay u qeyshatay waardiyihii si ay u badbaado Waardiyihii waxa uu u orday halka ay joogto waxa uu soo qaaday iyada oo xaalad adag kujirto oo wuxuu geeyay xeebta. Waardiyihii ayaa ka badbaadiyay harqashada.

Ama, bal qiyaas nin ku go'doonsan dhismo gubanaya oo si degdeg ah qiiqu uga batay. Wuxuu arkay dabdemis u soo socda oo wuu uqayliyay gargaarkiisa. Dab-demiskii ayaa soo qaaday isaga oo xaalad adag kujira, kana soo saaray dhismaha. Dabdemiska ayaa ka badbaadiyay inuu ku gubto dabka.

Si la mid ah, Ilaah wuxuu siiyey Badbaadiye, Ciise Masiix, kan kara badbaadinta dembiile kasta oo isaga isku halleeya. Wax kasta oo aad samaysay, wuu ku badbaadin karaa!

  • Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah. (Yooxanaa 3:16)

Sababta aan ugu baahanahay inaan badbaadn

Caasinimadayada Ilaahay aanku caasinay awgeed, aniga iyo adiga waxa aanu halis ugu jirnaa inaan Illahay kafogaano waliigeen. Kala fogaantaan waxay ka dhigan tahay ciqaab laynagaga fogaynayo Ilaahay agtiisa, kan ah isha wanaagga oo dhan (Yacquub 1:17). Waxa kale oo ay ka dhigan tahay ciqaab weligeed ah oo leyna marsiinayo cawaaqibka dembigeenna awgeed. Baybalku wuxuu leeyahay:

  • Dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah. ( Rooma 3:23 )
  • Mushahaarada dembigu waa dhimashada. ( Rooma 6:23 )
  • Waxaa dadka looga dhigay inay mar dhintaan, taas dabadeedna la xukumo. ( Cibraaniyada 9:27 )
  • Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. ( Muujintii 20:15 )

Wuxuu Sameeyay Badbaadiyaha

Rabbi Ciise Masiix waxa uu noqday Badbaadiyaha dembiilayaasha (oo ay ugu jiraan adiga iyo aniga) isagoo jannada ka soo degay oo iskutallaabta ku dhintay dembiyadeenna. Ilaah isaga wuu ka sara kiciyey kuwii dhintay, oo hadda waa Badbaadiye nool oo jooga midigta Ilaah ee Jannada (Cibraaniyada 1:3).

  • Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey. ( Rooma 5:8 )
  • Masiixu wuxuu u dhintay dembiyadeenna …., waa laa aasay isaga, oo maalintii saddexaad ayaa la sara kiciyey. (1 Korintos 15:3-4)
  • Maxaa yeelay, Masiixba mar buu u xanuunsaday dembiyada. Isagoo xaq ah ayuu u xanuunsaday kuwa aan xaqa ahayn aawadood inuu inoo keeno Ilaah. Xagga jidhka waa laga dilay, laakiinse xagga Ruuxa waa laga nooleeyey. (1 Butros 3:18)

Sida aad ku badbaadi karto

Sida kaliya ee aan uga badbaadi karno dembiyadayada (iyo ciqaabtooda), waa in aan u soo noqonno Ilaah towbad keen oo aan rumaysadkeenna gelinno Ciise Masiix. In la towbad keeno waa in aan ogaano oo aan qirno in aan ku jirno dhibaato daran, sida dabaasha qarqmay. Si aan u rumayno Rabbi Ciise sida Badbaadiyeheenna ah waa in aan rumaysanno in uu si buuxda u bixiyay qiimihii cafiska iyo nadiifinta annaga oo dembiyadeenna ku qaaday jidhkiisa iskutallaabta dusheeda. (1 Butros 2:24). Rabbi Ciise wuxuu ku badbaadin doonaa marka aad isaga ku kalsoonaato miisaankaaga dembiga.

Ma jiro shuqullo wanaagsan oo annagu, ama wax kasta oo kale oo aan samayn karno, oo laga yaabo inay fogeeyaan mid ka mid ah dembiyadeenna aan la tirin karin. Waxa kaliya ee aan samayn karno (waxa kaliya ee Ilaah aqbali doono) waa in aan rumaysnahay Rabbi Ciise Masiix, isaga oonu ku kalsoonahay inuu ina badbaadinayo.

  • Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid,laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin. ( Efesos 2:8-9 ).
  • Kii ereygayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay. (Yooxanaa 5:24)
  • Haddaad afka ka qiratid in Ciise yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka rumaysatid in Ilaah isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay, waad badbaadi doontaa, waayo, qalbiga wax baa laga rumaystaa xagga xaqnimada, afkana wax baa laga qirtaa xagga badbaadinta. ( Rooma 10:9-10 )

Back to top of page


We Also Recommend